Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Digniin Adag U Diray IRAN

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, ayaa ku hanjabay in tallaabo adag ay ka qaadi doonan taasi oo la xidhiidha weeraro lagu qaaday xeryo Millatariga Mareykanka kaga sugan yihiin wadanka Ciraaq.

157634325915a52.jpg

War saxaafadeed ka soo baxay Pompeo ayuu sheegay in Iiraan ay taageero siiso maleeshiyo khalkhal ku heysa amniga Gobolka.

Waxaa waajib nagu ah anaga oo ka faa’ideysaneyna fursadayada in aan ka hortagno weerarada ay Iiraan hormuudka ka tahay ee ka dhanka ah ciidankeena iyo danaha wadamada saaxiib wadaaga aa nahay ayuu yidhi Pompeo.

Arintaan ayaa imaaneysa maalmo kadib markii weerar lagu qaaday saldhig Milatariga Mareykanka kaga sugan yihiin duleedka magaalada caasimada ah ee Baqdaad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this