Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Warfaafinta Oo Maanta Hortagaya Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in uu hortago golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanno gaaraya 11 mudane ayaa 11-kii bishan waxay guddoonka golaha shacabka u gudbiyeen qoraal ay ku dalbanayaan in wasiir Maareeye horyimaado golaha shacabka si wax looga weydiiyo arrimo ku aaddan warbaahinta qaranka.

Waxa ay xildhibaannadan ku doodayaan in si siman aan looga soo deyn TV-ga qaranka doodaha golaha shacabka, kaliyana la qaato mudanayaasha feker ahaan taageersan xukuumadda.

Wasiir Maareeye ayaa su’aallo badan oo arrintan ku saabsan wuxuu kala kulmi doonaa mudanayaasha golaha shacabka qaarkood.

Warkaan wixii kusoo kordha waxaan idiin kugu soo gudbin doonnaa wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this