Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: NISA oo howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameysay Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada nabad sugida dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran, laguna soo qab qabtay tiro dad ah ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen degmada Beledxaawo iyo tuulooyin hoosyimaada ee gobolkaasi.

Taliyaha nabad sugida ee gobolka Gedo, Cali Deyr oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi, isagoo sheegay in lagu soo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab iyo 4 nin oo liddi ku ahaa nabad gelyada, kana ganacsanayey maandooriyaha.

Cali Deyr ayaa carabka ku dhuftay in tuulada Hareen Tuurre laga soo qabtay xubinta ka tirsan Al-Shabaab, isagoo kuu dhuumaaleysanayey halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan shaqsiyaadka gacanta lagu soo dhigay la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgalladu ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ku gaari doonaan deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Gedo.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howgala gobolkaan ayaa xoojiyey dhaq dhaqaaqyadooda Milatari, si meesha looga saaro kooxda Al-Shabaab.

1-50.jpg 3-46.jpg 4-19.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this