Deeq A. Posted December 15, 2019 Tanu waa heesti ow ugu jeclaa Jaalle Siyaad xilli ay hobolladi Waaberi wacdaro ka sameeyeen dalka oo dhan, Jaale Siyaadna uu rumeystay erayada la adeegsanaayay berigaas oo ka dhigtay qof aan weli la arag isaga oo kale. Maanta madaxweyne Farmaajo wuxuu taagan yahay heer uu xeelad kasta adeegsanaayo si uusan marna uga degin jagadaas. Madaxweyne Farmaajo waxaa u qarsan xeelado qofka caadiga ah uusan maleyn karin oo ay ka mid yihiin in la abuuro fowdo iyo qas aad u baaxad weyn oo dalka oo dhan lagu curyaamiyo si erayga DOORASHO meesha looga saaro.. Haddii aan soo koobno waxaa barnaamijka Farmaajo ka mida in muddo LABA sano ah loo kordhiyo si ay dowladdu u dhammeystirto dustuurka, xasiloonida dalka, dib-u-heshiisiinta iyo ka takhaluska uruka al-Shabaab. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku guuleystay inuu Mamul Goboledyadi oo dhismahoodi laga soo maray dhibaatooyin fara badan uu muddo SEDDAX sano ku baburburiyay…marka haddii loo kordhiyo xilka waxaa hubaal ah in dalka oo dhan lagu kala carari doono, waayoo asagu waa buldoozar oo loo adeegsado burburinta dhismayaasha ee buldoozar wax ma dhiso. Haddaba, siyaasiyiinta maanta ordaaya oo iyaga laftooda u baahan is-abaabul iyo is-afgarasho, waxaan kula tali lahaa inay raadiyaan xeelad ka hortegi karta waxaa uu soo wado Famaajo oo ah inaysan dowlad ka dambeyn doonin marba haddii uu booska waayo, waana isla tubti uu horey u qaaday Jaalle Siyaad mahey ku dambeysayna la ogaa. M/Weyne Farmaajo waxaan u sheegeynaa in ragi adiga kaa horeeyay oo booskaan iyo jagadaan hortaa soo qabtay waa jeclaayeen inay sii joogaan sidi ninki isagoo sakaraad ah yiri INAAN JOOGO JECLAAYAA!!! Markuu waqtigaaga dhammaado waa tegeysaa una maly maayo inaad doorasho dambe ku guuleysan doonto. Waxaana ´kuu kheyr badan inaad isaga tagto inta aad nabad qabto oo laga yaabo inay jiraan weli dad ku taageersan.Jagadaan aad ayaad u jeceshahay, laakin waxad rabto, mar kasta, lama wada helo..ku quus qaado Jaalle Siyaad mihi u dambeysay, waana ka shallaayay maraan shallaay wax terin.. Intaasi waa iga talo ee dalka iyo dadka ka badbaadi burbur iyo barakac hor leh. W/Q: Axmad Calasow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites