Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo samaysanaysa Khariirad u gaar ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoquraadiyada Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad  oo hadal ka jeediyay Munaasabadda Daah-furka Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa sheegay in Wasaaraddiisu waddo Qorshe lagu kala astaynayo dhammaan Soohdimaha degmooyinka, taasi oo tiir muhiima u ah hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu diyaarinayso Daraasad ku saabsan Hannaanka kala xadeynta degmooyinka Puntland, waxaana uu xusay in hawshaasi loo xil-saaray Sharci-yaqaan ku xeel-dheer Arrimaha Xuduudaha, si qaab cilmiyaysan loo maro Nidaamka kala Xadeynta degmooyinka oo door muhiima ka qaadanaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Puntland.

Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ay diyaarinayso Khariirad ama Map aan ahayn Khariiradda Soomaaliya, balse sida uu sheegay u gaar ah dowladda Puntland, si loo jaan-gooyo goobaha Cod-bixinta degmooyinka.

Hoos ka daawo Khudbadda wasiirka

PUNTLAND POST

The post Puntland oo samaysanaysa Khariirad u gaar ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this