Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeysa: Guri Carruur Yaryar Ku Gubtay Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ilme yar oo 9 bilood jiray ayaa ku dhintay ,laba carruur ah oo kalena waa ku dhaawacmeen , kadib markii uu dab qabsaday Hoygooda oo ku yaalla xaafadda Libaaxyada ee magaaladda Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen ciidamada dab damiska Somaliland , qaybtooda magaaladda Hargeysa.

79772608_1273824692818365_70712188445759

war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Dab-damiska Somaliland ee Hargeysa ayaana u qornaa sidan:-

Alle haw naxariistee Ilmo yar oo Sagaal BIlood Jiray ayaa ku dhintay, halka laba kalena iyagoo dhaawaca Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ka soo samatabixiyeen hoygooda oo dab ku Qabsaday xaafada Libaaxyada ee Magaalada Hargeysa.

Labadii kale oo kala ahaa wiil iyo Gabadh ayaa ciidanka Dab-demisku gaadhsiiyeen Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa halkaas oo hadda lagu daawaynayo.

Caruurtan yar yar ayaa waalidkood dusha kaga sii xidheen, iyadoo waliba ilmaha yar ee dhintay Lugta uu ka sii xidhnaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this