Sign in to follow this  
Deeq A.

A/Madoobe oo ku fashilmay xil ka qaadis uu sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa la sheegay inuu ku fashilmay xil ka qaadis uu ku sameeyey xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo.

Wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ayaa waxaa ka hor yimid guddooniye ku xigeenka gobolkaasi, guddoomiyeyaasha degmooyinka Luuq, Beledxaawo iyo Doolow.

Cismaan Nuur Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga G/Gedo ayaa sheegay in markiiba horeba aysan wada shaqeyn toos ah la laheyn maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna tilmaamay in waayadii dambe ay xiriir fiican la lahaayeen dowladda dhexe.

Xaaladda gobolka Mudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay aheyd mid kacsan, iyadoo dhaq dhaqaaq siyaasadeed laga dareemayey gobolkaasi.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan loo diiday inuu gudaha u galo degmooyin ka tirsan G/ Gedo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this