Deeq A. Posted December 14, 2019 Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa la sheegay inuu ku fashilmay xil ka qaadis uu ku sameeyey xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo. Wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ayaa waxaa ka hor yimid guddooniye ku xigeenka gobolkaasi, guddoomiyeyaasha degmooyinka Luuq, Beledxaawo iyo Doolow. Cismaan Nuur Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga G/Gedo ayaa sheegay in markiiba horeba aysan wada shaqeyn toos ah la laheyn maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna tilmaamay in waayadii dambe ay xiriir fiican la lahaayeen dowladda dhexe. Xaaladda gobolka Mudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay aheyd mid kacsan, iyadoo dhaq dhaqaaq siyaasadeed laga dareemayey gobolkaasi. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan loo diiday inuu gudaha u galo degmooyin ka tirsan G/ Gedo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites