Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo Maanta Baarlamanka hor-tegaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta lagu wadaa in ay kulankooda warbixin uga dhegaystaan, Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ay mudanaayasha sii amba qaadaan ka doodista akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

Ajandaha kulanka oo ah warbixinta Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, ayaa mudanaasha dhegaysiga kaddib waxa ay sii wadi doonaan doodii la xariirtay sharciga doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay Xildhibaannadu marinayaan akhrinta labaad.

Sharciga doorashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay ka dhiibteen aragtidooda ku aadan wax ka badalka sharciga, waxaana dhawaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xildhibaannada ka dalbaday inay meel ku qortaan fikirkii ku soo dhaca inta ay dooddu socoto, si ay ugu gudbiyaan guddiga arrintan baarlamaanka u qaabilsan kahor inta aan la marsiinin akhrinta 3aad.

Xildhibaannada waxaan ka codsaneynaa in wixii fikir ah ee ku soo dhaca inta lagu guda jiro akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Doorashooyinka Qaranka inay soo qortaan oo ay u gudbiyaan guddiga, ka hor inta aan loo gudbin akhrinta saddexaad” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

PUNTLAND POST

The post Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo Maanta Baarlamanka hor-tegaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this