Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay qarax ka dhacay degmada Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lala eegtay guddoomiyihii hore ee degmadaasi, balse uu ka badbaaday.

Qaraxa oo ka dhacay bartamaha Baraawe ayey Al-Shabaab sheegatay inay ku dishay ugu yaraan hal askari, kuna dhaawacday mid kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan degmada Baraawe oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana meesha uu qaraxu ka dhacay baaritaano kooban ka sameeyey ciidamada ammaanka ee ka howlgala halkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaaro geysta ka fulisa gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Afartii bishaan December ayey aheyd markii ay qarax miino ku dishay guddoomiyihii hore maamulka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, Marxuum Maxamed Yarow kaas oo ka dhacay duleedka degmadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this