Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Warqad Uu Madadaxweyne Biix U Soo Diray Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI + Faysal Iyo Cirro Oo Ku Gacan-Saydhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyeyaasha Waddani iyo UCID ayaa ku gacan-saydhay madaxweyne Biixi oo dalbaday in ay kulan la qaataan.

Guddoomiyayaasha-Xisbiyada-Somaliland.pn

Madaxweyne Biixi qoraal rasmi ah u diray labada hoggaamiye ee mucaaradka kaas oo uu kaga dalbaday in ay maanta sagaalka Subaxnimo ka soo qayb galaan kulan uu kula yeesho Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa kulanka ku tilmaamay mid lagu xallinayo khilaafka ka dhashay Guddida Doorashooyinka iyo Muddo kordhinta Baarlamaanka laakiin, waxa kulankaasi diiday Guddoomiyeyaasha Mucaaradka Cirro iyo Faysal.


Arrintan ayaa imanaysa iyada oo la filayo in wefti culus oo ka socda dalalka doorashooyinka taageera imanayaan magaalada Hargeysa. Dalalkan ayaa hore u soo saaray qoraal adag oo ay kaga hadlayaan khilaafka madaxweyne Biixi iyo mucaaradka.


Wali waxa indhaha lagu hayaa guddida dhexdhexaadinta oo ku hawlan isu soo dhawaynta dhinacyada inkasta oo loo arko in madaxweyne Biixi ka cago jiidayo in guddidaasi xalliso arrimaha la isku mari la yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this