Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalado bani’aaddannimo oo ka taagan Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gargaarka iyo Mareynta musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay saameeynta fatahaadda uu webiga Shabeelle ku yeeshay dadka degan Degmada Afgooye iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka.

Wasiirka Gargaarka Koofur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalado adag oo xagga nolosha ah ay ka jirto degmooyinkii uu ku fatahay webiga Shabeelle.

“Guddiga Arrimaha fatahaadda ayaa ka walwalsan xaaladda ka jirta Degmada Afgooye, afar xaafadood oo magaalada ka mid ah ayay saameysay oo xaalado adag ka jirta, fatahaaddu waxay kaloo saameysay degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, ha ahaadeen Qoryooleey iyo Awdheegle oo xaalado beni’aadanimo ay ka jirto”ayuu yiri  Wasiir Caruush.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen hay’adaha samafalka si gurmad beni’aadannimo oo deg deg ah la gaarsiiyo dadka uu saameeyay fatahaadda webiga Shabeelle, waxaana uu dowladda Federaalka ka codsaday inay gacan ka geysato

“Baahiyaha gaar ah ee hadda taagan ayaa ah in dadkan ay helaan cuntooyin, mara kaneeco iyo teendhooyin maamaada ay ka soo barakaceen guryahooda oo aysan heysan hooy iyo meel ay gabaad kaga dhigtaan qabowga dhaxanta iyo roobka, waxaana rajeynayaa in dadkan ay gurmad deg deg ah heli doonaan.” Ayuu yiri Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this