Deeq A. Posted December 13, 2019 Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Bayaan kooban oo ka soo baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashada 2020/2021. “Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku booqdey hoyga uu ka deganyahay malaada Nairobi ee dalka Kenya” ayaa lagu war ka soo baxay Axmed Madoobe. “Kulankan oo lagaga wada arrinsanayey xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada 2020/2021 ayaa sidoo kale waxaa ku weheliyey madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa muddo 20 berri ah safar ugu maqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe iyo labo Shariif oo ku kulmay Nairobi appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites