Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen Cabdixamiid Dirir: Ma jiraan ciidamo ay dowladda Soomaaliya geynayso Towfiiq iyo Afbarwaaqo

Recommended Posts

Deeq A.   
Sareeye-Guuto-Cabdixamiid-Dirir.jpg?w=10S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay Socdaal uu maalmahan ku marayay degaannada Afbarwaaqo iyo Towfiiq oo ku yaalla Koonfur bari gobolka Mudug,, halkaasi oo ay dhowaan ku dagaallameen laba beelood.

Taliyaha ayaa sheegay, in uu halkaasi u tegay Nabadeynta labada beelood ee dirirto dhexmartay, islamarkaana uu la kulmay odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac, si loo joojiyo colaadda iyo dagaallada soo noq-noqday ee u dhexeeya beelahaasi ood-wadaagta ah.

Gen. Cabdixamiid Dirir ayaa beeniyay warar ay Warbaahintu qortay oo sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay is-hor-taag ku sameeyeen, xilli uu doonayay in uu galo degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, si uu kulamo ula yeesho Waxgaradka iyo odayaasha degmadaasi.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa beeniyay warar kale oo sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ciidamo geynayso degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo, si ay u kala dhex-galaan beelaha halkaasi ku dagaallamay.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST

The post Gen Cabdixamiid Dirir: Ma jiraan ciidamo ay dowladda Soomaaliya geynayso Towfiiq iyo Afbarwaaqo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this