Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland: Guddoomiyeyaal xilalkii laga qaaday iyo kuwa kale oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee jubbaland ahna ku simaha madaxweynaha Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Suldaan Lugadheere) ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiyeyaal kuwa kalana magacaabay.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Suldaan Lugadheere ayaa xilkii looga qaaday Cismaan Xaaji Nuur, oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii kowaad ee gobolka Gedo, waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Xuseen Cisman (Ganey).

Gudoomiyihii degmada Luuq Maxamed Cabdullaahi Gadhuub ayaa isna xilkii laga qaaday, waxaana xilkaas loo magacaabay Bishaar Aadan Cabdikariin (Afjabay).

Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday gudoomiyihii degmada Baardheere Cabdullahi Nuur Xasan, waxaana xilkaas loo magacaabay Ismaaciil Cabdi Qorrax (koofi).

FB_IMG_15762414896500313.jpg?w=1000&ssl=
FB_IMG_15762414944317417.jpg?w=1000&ssl=

PUNTLAND POST

The post Jubbaland: Guddoomiyeyaal xilalkii laga qaaday iyo kuwa kale oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this