Deeq A. Posted December 13, 2019 Muqdisho (SMN) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad [Indha Cadde] ayaa wax laga waydiiyey sababta ay qaraxyadda uga dhacaan magaaladda Muqdisho. Indha Cadde oo u waramayey Shabelle ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyay ee huteelka SYL ay gudbiyeen rag ka tirsan dowladda. Laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ayaa wuxuu ku booriyey in ay isbedel dhab ah la yimaadaan isla markaana xoojiyaan xaqiijinta ammaanka. Weerarkii hotel SYL oo ay xarakadda Al-Shabaab sheegatay ayaa waxay dowladdu shaacisay in lagu dilay shan ruux oo saddex kamid ah ay askar yihiin. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Indha-Cadde.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites