Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cawad oo la kulmay dhigiisa Masar + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Masar (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Khamiis ah kula kulmay Magaalada Aswan, dhiggiisa dalka Masar, Mudane Sameh Shukry.

Waxa ayna ka wadahadleen xiriirka laba geesoodka iyo qaabkii lagu xoojin lahaa oo dhinacyo kala duwan leh.

Labada wasiir ayaa waxa ay isla fallanqeeyeen muhiimadda ay leedahay hore u dhaqaajinta geedi socodka wadajirka ah ee lagu horumarinayo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u adeegaya dano wadaagga laba dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale kulanka la iskula eegay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac ay danaynayaan.

Image may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this