Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada oo ka digay halis ka dhallan karta hindise-sharciyeed Wasiirka Qorsheynta Somalia hor geynayo golaha wasiirada oo wax u dhimi kara Heshiisyo Somaliland lala galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madasha Xisbiyada oo ka digay halis ka dhallan karta hindise-sharciyeed Wasiirka Qorsheynta

Somalia hor geynayo golaha wasiirada oo wax u dhimi kara Heshiisyo Somaliland lala galay

madasha-3.jpg

 

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hor imaaday Hindise-sharciyeedka Ha’adaha aan Dawliga ahayn, 2019 ee ay soo gudbisay Wasaarada Qorsheyntu isla markaasna ay Maanta ka doodayaan Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Madasha Isbiyada Qaran ayaa sheegay  Macnaha ugu weyn ee ku duugan xeerkan uu yahay  in ay  Wasiirka u suuro gasho go’aan ka gaarista meesha iyo sifaha hay’adaha deeqaha bixiyaa u qeybinayaan  kaalmooyinka dibadda ka yimaada iyadoo “hay’ada shaqadeeda aan lagu qancin” lagala noqon doono  ogolaanshaha, go’aanka Wasiirkuna yahay kama danbeys.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Ha’yadaha aan Dawliga ahayn uu qabad ku noqon doono heshiisyadii lala galay Somaliland oo dhigayay in aan la  siyaasadeyn arimaha gargaarka banii’aadanimo iyo mashaariicda horumarinta iyadoo laga dheeraanayo  soo saarista go’aamo ama sharciyo abuuri kara kala fogaansho ama hoos u dhac ku yimaada kalsoonida  labada dhinac.

Halkaan hoose ka ka akhri war-saxaafadeedka oo dhameystiran:-

 

madasha-1.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this