Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka taagan booliiska oo laga joojiyay inay maraan agagaarka madaxtooyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen hotel SYL waxay xiisad ka dhax abuurantay ciidamada booliiska iyo milateriga Soomaaliya.

Ciidanka booliiska ayaa loo diiday in ay maraan wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya iyo agagaarkeeda, waxaana laga celiyay laga soo bilaabo Taalada Daljirka Daahsoon iyo Sayidka, halka sidoo kale loo diiday dhinaca Ceelgaabta.

Ciidanka ayaa loo diiday iyagoo lugeynaya iyo iyagoo gaadiid wataba, waxaana aagaas ka jira cabsi iyo qoryo isku taag taag ama muran dhaxmara labada ciidan.

Kulan dhaxmaray taliska madaxtooyada iyo kan booliiska ayey ku heshiin waayay sidii qorshe loogu dejin lahaa arrinta muranka dhalisay ee marista wadada.

Milateriga ayaa sheegay in aysan aamini karin Booliiska oo dharkooda marar badan lagu soo weeraray,  halka booliiska ay doonayaan in halkaasi ay maraan, oo aysan ka maarmin ciidanka istaafka ah ee la socda masuuliyiinta dowlada iyo madaxda booliska.

Si kastaba ha ahaateee waxaa agagaarka madaxtooyada ka taagan cabsi xoog leh waxaana laga baqayaa in ay isku dhacaan labadaan ciidan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this