Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weeraray Xero ciidan oo u dhow degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dableey hubaysan oo ka tirsan  Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen Xerada ciidan ee Hiilweyne oo ku taalla dhinaca waqooyi ee magaalada Balcad.

Malayshiyaadka  Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen xeradaasi Ciidan ee Hiilweyne waxaana la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dileen  5 ruux oo 4 ay yihiin rayid, kan kalena askari.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in malayshiyaadka Al-shabaab ay saacado kooban qabsadeen  saldhigaasi  sidoo kalena ay gubeen laba gaari oo xerada yaallay ka hor inta aysan isaga bixin halkaasi.

Weerarka ayaa ku soo beegmay saacado kadib weerar kii Al-Shabaab ku qaadday hoteelka SYL oo ay  ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, 11 kalena ku dhaawacmeen.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weeraray Xero ciidan oo u dhow degmada Balcad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this