Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo soo dhaweeyay Heshiiska dowladda Federaalka iyo Ahlusunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa  soo dhaweeyay heshiiskii ay wada gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ).

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an  taageeridda dadaalladan, isla markaana ay hubinayso hirgelintooda, si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni.

 Amb. Yamamoto, waxa uu sheegay in Maraykanku bogaadinayo gorgortamayaasha howsha adag qabtay, si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay, kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirta hawlaha midaysan ee la’dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Danjiraha ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in Maraykanku  aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale  tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga xildhibaannada Baarlamanka, isago xusay in ay dhiirigelinayaan  hirgelinta heshiiskaasi.

Mr. Yamamoto sidoo kale wuxuu xaqiijiyay, in Safaaradda Mareykanka ay ka go’antahay, fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug.

Halkaan riix si aad u akhrisatid qoraalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo soo dhaweeyay Heshiiska dowladda Federaalka iyo Ahlusunna appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this