Deeq A. Posted December 12, 2019 Gu.. GOL. WL. oo u codaynaya Xeerka Maalgeshiga Puntland 19 Nov. 2019 Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland oo maalmo ka hor soo xirmay, ayaa ajandihiisa laga saaray dhammaan qodobadii ku saabsanaa, la-xisaabtanka xukuumadda Puntland. Ajandaha Kalfadhiga oo ka koobnaa 21 qodob, waxaa mudanayaasha Golaha Wakiiladu si rasmiya u ansixiyeen 28-kii bishii la soo dhaafay October, balse saddex qodob oo kamid ah ayaa si hoose Baarlamaanku u laalay, ka hor inta aan la xirin Kalfadhiga. Saddexda qodob oo kala aha, La-xisaabtanka Xukuumadda, daba-galka Heshiisyadii Xukuumaddu soo gashay & kuwii ka horreeyay iyo sidoo kale Xaaladda gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa dhammaantood si hoose meesha looga saaray. Kalfadhiga ayaa soo xirmay Talaadadii la soo dhaafay, oo ku beegneyd 10-kii December 2019, waxaana maalintaasi Baarlamaanku xasaanaddii Xildhibaannimo ka qaadeen xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), kadib markii 7-dii bishii November xilkii guddoomiyaha Golaha looga xayuubiyay mooshin ay dabada ka riixaysay Xukuumadda. Golaha Wakiilada Puntland oo hadda ku jira fasax lix bilood ah, ayaa Kalfadhiga xiga soo laaban doonaa 15-ka bisha June ee sannadka soo socda 2020-ka. Hoos ka akhriso jandihii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo laalay La-xisaabtanka Xukuumadda appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites