Sign in to follow this  
Deeq A.

Boosaaso: Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo ka badbaaday isku day dil

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa is-rasaasayni galinkii hore ee maanta ku dhexmartay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Berriga Puntland iyo dableey hubaysan.

Dableeyda hubaysan oo looga shakisan yahay, in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah, ayaa sida la sheegay meel luuq ah rasaas kaga soo furay sarkaalka, xilli uu ka adeeganayey Suuqa magaalada Boosaaso, balse sarkaalka oo ka badbaaday rasaastaasi, ayaa isna raasaas kale ugu jawaabay dableeyda, inkastoo durbadiiba ay goobta ka carareen.

Is-rasaasaynta dhexmartay sarkaalkaasi oo magaciisa lagu sheegay Cabdiweli Maxamed Cabbaas iyo dableeyda hubaysan, waxaa ku dhintay hal ruux oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya, kaasi oo ku sugnaa meel aan ka fogayn halka weerarku ka dhacay, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Axaddii la soo dhaafay, laba askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland, ayaa lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso, kadib markii ay rasaas la beegsadeen dableey hubaysan, waxaana weerarkaasi mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Daacish.

PUNTLAND POST

The post Boosaaso: Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo ka badbaaday isku day dil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this