Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo amray in wax laga qabto xaaladda Gardafuu ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
BG5I7159-scaled.jpg?fit=1000%2C486&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah guddoomiyey shirkii Golaha wasiirraddu ku yeesheen Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa amray Guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda gobolka Gardafuu ee Puntland iyo degmada Afgooye oo ay roobab daadad wata saameeyeen.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyay heshiiska dowladda Federaalka iyo Ahlusunna ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, wuxuuna bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug.

BG5I7097.jpg?w=1000&ssl=1

Dhanka kale Golaha wasiirradda Soomaaliya ayaa meel mariyey hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay Wasaaradda difaaca.

Sidoo kale Golaha wasiiradda ayaa ansixiyay xeerka cafiska dadka dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan dowliga aheyn iyo siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaariyeen wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada.

Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faahfaahsan ka siiyay weerarkii hotelka SYL.

Golaha wasiirrada ayaa iyana dhankooda bogaadiyey dadaalka laamaha amnigu ku badbaadiyeen dadka shacabka ah ee ku jiray hotel SYL.

PUNTLAND POST

The post Kheyre oo amray in wax laga qabto xaaladda Gardafuu ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this