Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib weerarkii Hotel SYL, shacabka oo Farmaajo ka sugaya jawaabaha 10 su’aal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo waxay shacabka Soomaaliyeed kaa sugayaan in looga jawaabo su’aalahaan.

1) – Sidee Al-Shabaab ku yimaadeen Hotel SYL?

2) – Maxaa isku soo beegay tirakoobka booliska oo saddex maalin kaliya ka socda Kumaanda Bulisiya iyo weerarka Al-Shabaab?

3) – Maxaa ka jira in hubkii Al-Shabaabkii la dilay ay shaqsiyaad qaateen si aan loo baarin? Shabaab in dowladaada ku milmeen ayaa la sheegay adna waad sheegtay ma uqaadan karnaa in weerarkaan xubno dowladaada ka tirsan fududeeeyeen?

4) – Tani waa qorshe cusub oo halis ah ee maxaa kaga diyaarsan dowladda?

5) – Qubarada amniga waxay sheegayaan in ay halis ku jiraan hoteelada ka fog aagga ciidamada oo dhici karto in sidaan oo kale loo weeraro ee maxaa maanta iyo berri ama maalin kale loo qaban karaa?

6) – Mudane, inaad Al-Shabaab laba sano ku soo afjari doonto ayaa noo sheegtay waxaana kuu bilaabanaya sanadkaagii afaraad Shabaabna Madaxtooyadii ayey soo galayaan ee maxaa kuu xal ah?

7) – Mar hadii ay weeraro saddex sano kadib Villa Somalia ku socdaan ma u aragtaa in aad adiga halis ku jirto?

8) – Waxaa muuqato inaa ku guul dareysatay dhamaan balanqaadyadaadii aad sameysay, ee ma waxaa rajo ka qabtaa inaa mar kale hogaamiso Soomaaliya? Haddii ay HAA tahay maxaa ku qaban kartaa muddo kale, hadii aadba hal xabo ka qaban balanqaadyadaadii hore?

9) – Shacabkii ku aaminay kugu farxay kuna hambalyeeyay 3 sano ka hor maanta maka war qabtaa?

10) – Maalin waxaa fagaaro ka sheegtay inaa tahay rajadii ugu dambeysay ee shacabka Soomaaliyeed, waa run waa aheyd hada rajadaas ma qabaan shacabka ma ka warqabtaa mise waa kaa rajo dhigeen?

W/Q: Hussein Abdulle Mohamed

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this