Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo bogaadiyey heshiiska DF iyo Ahlu Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a.

“Donald Yamamoto ayaa yiri” Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an in ay taageerto dedaalladan, isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni”.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay Dowladdiisu bogaadineyso gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay, kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada Dowlad Goboleedka Galmudug oo door muhiim ah uga jirto dedaallada kala duwan ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

“Waxaan aqoonsan nahay dedaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro Dalka oo dhan iyo sidoo kale  tanaasulka adag ee ay sameeyeen Labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qeybsiga wakiilnimada Baarlamaanka, waxaanan dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska” ayuu yiri Danjiruhu.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa Galmudug ku tilmaamay Gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Safaaraddiisu ka go’an tahay in ay fududeyso gargaarka Bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee Dadka reer Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this