Deeq A. Posted December 10, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Galinsoor ee gobolka Galgaduud. Shilka ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ugu yaraan illaa lix askari ayaa ku dhaawacantay shilkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Gaariga gadoomay ayaa ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo la geeyey dadkii ku dhaawacmay shilkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites