Sign in to follow this  
Deeq A.

Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Qarax laga maqlay xaafado badan oo ka tirsan Magaalada.

Qaraxaas ayaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayey wadada General Daa’uud ee kala qeybiso degmooyinka Yaaqshiid iyo Wart Nabadda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo in Qaraxaas loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxo sida ay Caasimadda Online u sheegeen dad goob joogayaal ah inkastoo warar kalana ay sheegayaan inuu ahaa Qarax meesha lagu diyaariyey.

qaraxx.jpg

Qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas culus ooda ka qaaday Ciidamadii AMISOM ee weerarka lala eegtay waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro ka dhashay Qaraxa iyo rasaasta ay ciidamada AMISOM rideen.

Xaaladda Jidka General Daa’uud ayaa weli kacsan, waxaana xirtay Ciidamada AMISOM oo u diiday dadweynaha iyo Gawaarida inay halkaas maraan maadaama lasoo sheegayo in mid kamid ah kolonyadii ay wateen ay waxyeelo soo gaartay.

Weli si rasmi ah looma helin khasaaraha ka dhashay Qaraxa iyo rasaasta Ciidamada AMISOM, waxaana idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena soo socdo Inshaa Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this