Deeq A. Posted December 10, 2019 Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee QM ee arrimaha Soomaaliya, James Swan oo gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Egeyga waxaa wafdigiisa ka mid ah wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xubno kale oo ka mid ah kuwa beesha caalamka. Sidoo kale wafdigaan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Lafta Gareen, kaas oo looga hadlay xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan ammaanka iyo arrimaha bani’aadanimada. Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimo ku saabsan xaalada dalka, doorashada Soomaaliya ku soo fool leh, doorka dowlad goboleedyada ay ku yeelan karaan, arrimo la xiriira dib u eegista ku socota Dastuurka Soomaaliya iyo qodobo kale. James Swan ayaa maalmahaan dambe waxaa uu waday kulamo uu la qaadanayo Saamileyda Siyaasada Soomaaliya,waxana uu la kulmay,Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, guddoonka labada Aqal iyo xubno ka mid ah Musharaxiinta Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article Share this post Link to post Share on other sites