Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo soo bandhigtay nin dil ka geystay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka nabad suggida maamulka Jubbaland ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen nin Shabaab ah oo 48 saac ka hor dil ka gaystay Magaalada Kismaayo.

Ninkaan ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgalcCiidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi.

Ninkaan ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu askariga uu dilay u adeegsaday Falaar dilkiisa, islamarkaana uu ka qaatay qorigii uu watay.

Askariga uu dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Yare, waxaana la sheegay inuu gaaday isaga oo hurda.

Ninkaan ciidamada ammaanka ay soo qabteen ayaa hadda ku xiran saldhigga ciidamada Nisa ee magaallo xeebeedka Kismaayo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this