Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howlgallo ka wada Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ballaaran ka wada degmada Wanlweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalladan ayaa yimid, kadib markii xalay kooxo hubeysan ay dil ka geysteen gudaha degmadaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa baaritaanada ayaa sheegay inay ku raad joogaan raggii ka dambeeyey falkaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen inay faah faahin ka bixin doonaan howlgalladaasi marka ay soo gabagabeeyaan.

Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this