Deeq A. Posted December 10, 2019 War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay dagaallada dib uga soo cusboonaaday bariga gobolka Mudug. Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in Puntland ay aad uga walaacsan tahay colaadda ka taagan deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi. Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in labada dhinac ay ugu baaqeyso inay dagaalka joojiyaan wax welibana ay ku dhameeyaan wadahadal. Halkan hoose ka akhriso: View the full article Share this post Link to post Share on other sites