Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Deegaannadii Lagu Dagaallamay Ee Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in xaalad deganaansho ah laga dareemayo deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi iyo deegaanno kale oo shalay dagaallo culus ay ka dhaceen.

Waxaa socda dedaallo ay wadaan waxgaradka ku dhaqan gobolka Mudug oo lagu kala dhexgalayo maleeshiyaadkii ku dagaallamay halkaasi.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay dagaalkii shalay ka dhacay Mudug, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Maleeshiyaadkii ku dagaallamay Mudug ayaa weli is horfadhiya, iyadoo shacabkii ku dhaqnaa deegaannadaasi ay isaga barakaceen, si aanu dagaalkan u saameyn.

Dhinacyada is haya ayaa kasoo kala jeeda dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, mana jirto weli cid si rasmi ah u kala dhexgashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this