Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo sheegay in uu ciidamo Militari u dirayo Libya hadii laga dalbado

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha waddanka Turkiga  Recep Tayyip Erdoğan, ayaa shaaciyay in dalkiisu uu ciidamo Militari u dirayo waddanka Libya, haddii ay sidaasi ka dalbato xukuumadda Sharciga ah ee ka dhisan magaalada Tripoli.

Mr. Erdoğan oo wareysi gaar ah siinayay Tefeshinka Turkiga ee TRT, ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay, in uu dhigiisa waddanka Ruushka Vladimir Putin uu kala xaajoon doono, xal u helidda fallaagada uu hoggaamiyo Janaraalka Hawl-gabka ah, Khalifa Haftar ee ka dagaallama gudaha dalka Libya, taasi oo taageero Militari ka hesha dowladda Ruushka.

Madaxweyne Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in uu aaminsanyahay, haddii ciidan Militari  uu dalkiisu u diro waddanka Libya, in si buuxda loogu guulaysan karo soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Libya, si dib loogu dhiso dalkaasi Colaaduhu ragaadiyeen.

Dalka Libya, waxa si joogta ah uga socda dagaallo sokeeye oo u dhexeeya dhinacyo siyaasadeed iyo fallagooyin gudaha,  tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee waddankaasi Colonel Qaddafi, bishii October ee sannadkii 2011.

Col. Qaddafi  oo dalka Libya xukumayey mudda 42 sannadood ah, waxaa xukunka looga tuuray Kacdoon dadweyne oo dalkaasi ka bilowday bishii Jannaayo ee sannadkii 2011, kaasi oo markii dambe ay ku biirtay fara-gelin Militari oo NATO ku sameeyay Libya.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo sheegay in uu ciidamo Militari u dirayo Libya hadii laga dalbado appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this