Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo baaq Nabadeed ka soo saartay Colaadda Towfiiq

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa baaq Nabadeed ka soo saartay, Colaadda u dhexaysa labada beelood ee  ka soo cusboonaatay nawaaxiga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug.

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay, in ay walaac xooggan ka muujinayso colaaddaasi ka soo cusboonaatay aagga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, waxaana ay ku baaqday in si dakhso leh oo bilaa shuruud ah loo joojiyo dagaalka.

Puntland waxay ku baaqday, in wixii xurguf iyo is-afgaranwaaya lagu dhammeeyo  wada-xaajood ay sal-dhig u tahay; ka wada-shaqeynta Nabadda, ilaalinta Xasiloonida iyo xeerinta Wada-dhalashada bulshada halkaasi ku nool.

Sidoo kale, Puntland waxay ugu baaqday hoggaanka dhaqanka iyo culimada degaanka, in laga wada-shaqeeyo joojinta dagaalka, loona istaago ilaalinta Nabadda iyo Xasiloonida gobolka.

Hoos ka akhriso Baaqa

2-8.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo baaq Nabadeed ka soo saartay Colaadda Towfiiq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this