Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo uu mushahar ka maqan yahay ku hanjabay in ay ka soo bixi doonaan furumaha dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal ka mid ah ciidamada militeriga Soomaaliya oo aan wali qaadan mushaarkii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabay in ay ka soo bixi doonaan difaacyada hore ee dagaalka.

Ciidankaan oo xoogooda ku sugan gobalka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in wali aysan helin mushaarkii ay ku shaqeynayeen ee bishan December, halka qaarkoodna ay dhowr bil ka maqan tahay.

Mushaharka ayaa inta badan la bixin jiray 28-ka bisha dhammaadka ah ee ka horeysay bisha ay tahay in kowdeeda la qaato mushaharka, hase yeeshee bishan December oo mareysa 7 ayaan weli qaar badan oo shaqaalaha ka mid ah iyo ciidamada la siin mushaharkooda.

“Waxaan ku suganahay furinta dagaalka ee degmada Awdheegle habeen kasta waxaan marti geliyaa weerarka Al-Shabaab walina ma helin xaquuqdeyda” ayuu yiri Askari ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo lasoo xiriiray Caasimada Online.

Sidoo kale ciidamada Booliiska, iyo Asluubta ayaa wali qaadan mushaarkooda waxaana isa soo taraya qayla dhaanta ka soo baxeysa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wali xukuumadda Soomaaliya kama aysan jawaabin sababta ilaa hadda loo bixin la’yahay mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, balse sarkaal sare oo ka tirsan Bankiga Dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in lacag badan bankiga looga bixiyey wasiirka arrimaha gudaha loona qaaday Dhuusomareeb, oo dowladda ay ka waddo dhismaha maamulka Galmudug.

Ma cadda haddii lacagta Bankiga Dhexe laga bixiyey ay tahay tii ay ahayd in lagu bixiyo mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada.

Xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda ayaa noo xaqiijiyay in bishaan ay suurtagal tahay in aysan dowladda bixin doonin mushaarka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada xilli lacag badan la qorsheynayo in lagu bixiyo doorashada Galmudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this