Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay deyn cafinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya iyo midowga Yurub ayaa Maanta ka wada hadlay kobcinta dhaqaalaha, xaqiijinta guulaha laga gaaray deyn cafinta iyo maal gelinta iyo dib u habeynta amniga,ka dib shir ay ku yeesheen Muqdisho.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay dimuquraadiyadda, federaaleynta, doorashooyinka, xuquuqda Aadanaha iyo dowrka Haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda.

Dhanka Soomaaliya ayaa waxaa uga qeyb galay kulanka .Ra’iisul Wasaarahe, Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirrada Maaliyadda, Dastuurka iyo Haweenka, halka midowga Yurub ay u matalayeen Danjirayaal uu hoggaaminayay Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Waxyaabaha looga hadlay shirka ayaa laysla gartay in la far-dar geliyo, si guul looga gaaro qorshaha dib u habeynta amniga, Ciidamada Qarankuna ay awood ugu yeeshaan la wareegidda nabad galyada Dalka.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wada shaqeynta ka dhexeysa Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

unnamed-15 unnamed-11 unnamed-13 unnamed-14

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this