Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 36 qof oo ku naf-waayay Fatahaado ka dhacay Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay daadad socday muddo todobaad ah ay gaartay 36 qof ayna kumanaan qof oo kale ku xanniban yihiin ka dib roobab xooggan oo ku dhuftay gobollada ku yaalla dhanka bari ee dalkaasi.

Irene Nakasita oo ka tirsan ururka Bisha Cas ee Uganda ayaa sheegtay in howlgalkii gurmadka iyo badbaada ay caqabad ku noqdeen wadooyinka oo ay roobabku burburiyeen.

Dhankiisa, Wasiiu-dowlaha Musiibooyinka iyo Gargaarka Musa Ecweru ayaa sheegay inuu jiro walaac ah in cudurrada ka dhasha biyaha wasakheysan ay ka dillaacaan aagagga ay daadadku saameeyeen.

Ecweru ayaa sheegay in dowladdu ay bixineyso adduun dhan 5 milyan iyo bar oo lacagta dollarka ah taasi oo loogu talogalay in lagula tacaallo cudurrada ka dhasha biyaha, gargaar raashin ah lagu gaarsiiyo dadka dhibban iyo waliba in dib u dhis loogu sameeyo buundooyinka ay daadadku burburiyeen.

Sida ay ku warramayaan mas’uuliyiinta Uganda, daadadka ayaa la filayaa iney gabi ahaanba joogsadaan bisha January maadaama cimiladu ay soo hagaageyso.

Saynis-yahannada ayaa in mudda ahba ka digayay in sare u kaca heer-kulka badda uu keenayo roobab xilliyadeed waxyeelo badan dhaliya islamarkaana soo noqnoqda.

Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha gargaarka ee UNOCHA ayaa todobaadkii hore sheegtay in roobab xooggan iyo daadad ku dhuftay dalalka Bariga Africa ay saameeyeen ku dhowaad 3 milyan oo qof ayna ku geeriyoodeen ilaa 280 qof.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 36 qof oo ku naf-waayay Fatahaado ka dhacay Uganda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this