Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada-hadlay Horumarinta Tababarada Shaqaalaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saddiiq Xirsi Warfaa ayaa Magaalada Istambul kula kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga,Mss; Zehra Zumrut Selcuk.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariic socota oo ku saabsan xoojinta shaqaalaha, shaqaalaysiinta iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya Labada Dal.Wasiirrada ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo guda-geli lahaa is Af-garad la xiriira horumarinta iyo tababarrada shaqaalaha oo ay Labada wasaaradood horay u gaareen.

Is Af-garadka ay horay u gaareen Labada dhinac ayaa waxaa ansixiyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa Istanbul kaga qeyb galaya shirka Koowaad ee Wasiirrada Ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadlayo horumarinta Bulshada.

3-1.png?w=1000&ssl=1 2-2.png?w=1000&ssl=1 1-2.png?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada-hadlay Horumarinta Tababarada Shaqaalaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this