Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo ciidamo u direyso gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Ismaal Mukhtaar Oronjo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa warbaahinta u akhriyey warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan dagaallada dib uga soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Oronjo ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ciidamo isku dhaf ah u direyso bariga gobolkaasi oo ay ku dagaalamayaan maleeshiyaad deegaanka ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay tallaabo ka qaadi doonto cidkasta oo ka hor imaada dadaallada nabadeed ee lagu qaboojinayo xiisadaasi.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay maleeshiyaad beeleedka labada dhinac inay joojiyaan dagaalka, si looga baaqsado in markale uu dhiig ku daato halkaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo markale uu dagaal beeleed dib uga qarxay deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this