Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad adag oo ka taagan magaalada Laasqoray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaallo xeebeedka qadiimiga ah ee Laasqoray ee ku taalla waqooyiga gobolka Sanaag ayaa laga soo warimayaa in muddo 10 cisho ah ay go’doon ku jiraan shacabka ku dhaqan degamadaasi.

Roobab maahiigaan ah maalmihii la soo dhaafay ka da’ay Laasqoray ayaa la sheegay inay gabi ahaan burburiyeen waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in roobabkaasi daadadka wata ay la tageen illaa labo qof oo weli la la’yahay nolol iyo geeri toona.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in xaaladda nololeed ee ka jirta halkaasi ay tahay mid aad udag, islamarkaana uu sare kac ku yimid maciishada, maadaama wax gaadiid ah aysan soo gali karin degmadaasi Laasqoray.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa dhankooda wada dadaallo xoogan oo loogu gurmanayo dadka ku dhibaateysan halkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaano badan oo hoostaga Puntand ka da’ayey roobab xoogan oo dabeylo wata, kuwaas oo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed inbtaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this