Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:Somalia iyo Turkiga oo ka shiray arrimo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Saddiiq Xirsi Warfaa ayaa Magaalada Istambul kula kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga,Mss; Zehra Zumrut Selcuk.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariic socota oo ku saabsan xoojinta shaqaalaha, shaqaalaysiinta iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya Labada Dal.Wasiirrada ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo guda-geli lahaa is Af-garad la xiriira horumarinta iyo tababarrada shaqaalaha oo ay Labada wasaaradood horay u gaareen.

Is Af-garadka ay horay u gaareen Labada dhinac ayaa waxaa ansixiyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa Istanbul kaga qeyb galaya shirka Koowaad ee Wasiirrada Ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadlayo horumarinta Bulshada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

1-1.png 2-1.png 3-2.png

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this