Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaad weerar ka geystay Mudug oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka Gobolka Mudug oo howlgal ka sameeyay magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay 4 ruux oo ka mid ahaa lix qof oo habeen ka hor rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku safrayay waddada u dhaxeysa Gelinsoor iyo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug,halkaas oo uu ku dhintay hal qof halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Taliye ku xigeenka qeybta Boliiska Gobolka Mudug, Gaashaanle dhexe, Maxamuud Cilmi Gulaafe oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen 4-taas ruux,isagoo tilmaamay in Ciidamada ammaanku ay ku daba jiraan 2-ruux oo ka mid ah lixda ruux ee dadka shacabka ah ku rasaaseeyay gobolka Mudug.

Kooxahaan hubeysnaa ayaa deegaanka Dagaari oo qiyaas ahaan 30-kilomitir dhanka koofureed kaga beegan magaalada Gaalkacyo waxey habeen hore ku rasaaseeyeen gaari ay la socdeen dad shacab ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this