Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia oo ka qeyb galeysa shirka Baarlamaannada Aduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qeyb galaya shirka 7-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka oo Maanta ka furmay Magaalada Doxa ee Dalka Qadar.

Shirkan ayaa looga hadlayaa la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo sidii loo xakamayn lahaa, waxaana la filayaa in uu Guddoomiye Xaashi ka jeediyo Khudbad ku saabsan sida ay Dowladdu uga go,an tahay la dagaallanka musuqa.

Shirka waxaa isla shir-Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha shuurada Qatar, Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Qatar shir doceedyo la qaadan doona madaxda ka soo qeyb gasha shirka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this