Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay halka uu ku dambeeyo baaritaanka Qaraxii lagu dilay Eng. Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo Shalay hor tagay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyo baaritaanka qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir ee dhacay 24-kii bishii July ee sanadkan kaasoo ay ku geeriyoodeen Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Guddoomiye degmo iyo Agaasimayaal.

Wasiirka Amniga oo ka jawaabayey su’aal ay waydiisay Xildhibaan Aamina oo ka tirsan Golaha Shacabka oo aheyd halka uu ku dambeeyo baaritaanka Qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa sheegay inuu weli socdo baaritaanka.

Wasiirka ayaa ku dooday inaan weli natiijada baaritaankaas lasoo bandhigi karin maadaama uu weli socdo baaritaanka loona baahan yahay in la dhameystiro kadibna dadka Soomaaliyeed loo soo bandhigo natiijada soo baxdo.

“Baaritaanka waa socdaa markaa leenahay waxay sabab u tahay in dad kale lagu raad-joogo, marka lama soo bandhigi karo, illaa baaritaanka ka soo dhamaado” ayuu yiri Wasiir Islow.

Wasiir Islamow ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qaar ka tirsan dadkii ka dambeeyey weerarkaas isla markaasna ay hayaan muuqaal ay duubtay Kaamirada Qarsoon oo muujinayo sida uu weerarkaas u dhacay

” Dhankeena sida meesha wax uga dhaceen kaamiro video ayaa ka heynaa, dadka qaar la qabtay, qaarka kalena waa lagu raadjoognaa, haddaa soo bandhigno waxaa dhici kara xooggaa in wax uu ku yimaado baaritaanka”. ayuu Mar kale yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu aad uga xanuunsaday weerarkaas maadama uu sheegay inay qaraxaas ku dhinteen dad ay saaxiibo ahaayeen oo uu ku jiray Guddoomiye Yariisow.

” Sidoo kale anaga uga xanuun badan, dadka meesha ku dhintay waxay ahaayeen dad aan asxaab nahay oo Guddoomiyaha ku jiro”ayuu yiri Wasiir Islow Ducaale” Ayuu sii raaciyey.

Dhawaan ayey aheyd markii Wasaaradda Amniga ay soo bandhigtay baaritaan hordhac ah oo ku saabsan Qaraxaas, waxaana lagu sheegay in qofkii qaraxaas fuliyey ay aheyd gabar indha la’ oo ka faa’ideysatay naxariistii loo sameeyey.

Waa weerarkii u horeeyay noociisa ee Al-Shabaab ku disho Duqa magaala madaxda dalka ee Muqdisho, iyadoo Al-Shabaab ay sheegtay in weerarkaas u adeegsatay waxyaabo qarxa oo ay ku diyaarisay hoolka shirarka ayna ku qarxisay.

Shan bil ayaa laga soo wareegay weerarkaas, waxayna dadka Soomaaliyeed rajo xumo ka muujiyeen inaysan Dowladda Soomaaliya heyn macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qaabkii uu u dhacay weerarkaas iyo cidda soo abaabushay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this