Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo shirkado Ajnabi ah u fasaxday arrin dhibaato ku ah kuwa Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Diyaaradaha shirkadaha Soomaaliya oo qaarkood ay u adeegayeen umadda Soomaaliyeed 30 sano muddo ku dhow tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991-dii, ayaa haatan qarka u saaran in ay hawada ka baxaan, sababtuna ay tahay xukuumadda Soomaaliya , gaar ahaan wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo halkay ka ilaalin lahayd xuquuqda shirkadaha Soomaalida u fasaxday shirkado ajnabi ah in ay dalka Soomaaliya dhammaantiis ay meeshay doonaan ka shaqaystaan.

Tusaale ahaan, diyaaradda Itoobiya Airline ayaa wasaaradda Gaadiidku u ogolaatay in ay sameyso shan duulimaad maalintii,  iyadoo aysan jirin wax diyaarad oo soomaalidu leedahay oo loo fasaxay in ay ka shaqaystaan deegaan ka mida dalka itoobiya.

Ma jiro sharci u ogolaanayaa diyaaradda Itoobiya in duulimaad sidaan oo kale ah ay ku samayso Soomaaliya. Waxaa jira oo kaliya heshiis dhexmaray Dowladdii Soomaaliya iyo Itoobiya 1988 oo dhigayaa labada dal diyaaradahoodu is dhaafsadaan duulimaadyo isu dhigma. Heshiis aan caddayn oo suuq madow ah ayaa arrintaan salka ku haysaa.

Dhibaatada kale ee haysata shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya ayaa waxay tahay,  in hay’adda caalamiga ah ee arrimaha duulimaadyada qaabilsan ICAO-IATA (ICH ) laga yaabo in ay galiso  diyaaradaha Soomaaliya liis looga mamnuucayo duulimaadyada , kaddib markii ay sheegtay in ayna bixin lacagihii  IATA ay khidmad ahaan ugu lahayd ee duulimaadyada hawada, iyadoo diyaaraduhuna ay caddeeeyeen in ay bixiyeen lacagahaas oo ay ka qaadday shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha ee Mogadishu Favori.

Shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga, waxay iyaduna dhankeeda xaqiijisay in Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka ay u xilsaartay in ay ka uruuriyaan diyaaradaha lacagihii khidmadda duulista hawada.

Haatan dhibka ugu weyn ee taagan ayaa ah,  in IATA iyo FAVORI ay leedahay mid walba Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa noo fasaxday in aan qaadno lacagaha duulimaadyada.

Waxaa IATA haatan ka dooneysaa oo ay ku soo dallacday shirkadaha Soomaalida lacag kor u dhaafeysa 20 milyan oo Dollar, uruurtayna muddo lix sano ah.

Arrimaha kale ee xusidda mudan ayaa waxaa ka mid ah in Garoonka diyaaradaha Mugadishu uu aad u dayacanyahay, shirkadda FAVORI oo maamushana aysan in muddo ah ka qaban shaqo micno leh.

Tusaale ahaan, markii la furay Terminalka cusub 2013-ka, duulimaadyada diyaaradaha isticmaalayey waxay gaarayeen 3000 oo duulimaad sanadkii, haatan waxay duulimaadyada garoonku gaarayaan 30000 kun oo duulimaad sanadkii. Waxaa dhacda in diyaaradaha degaya iyo kuwa duulaya ay in ka badan 40 daqiiqo sugaan. Waddada ay ku duulaan diyaaraduhuna madayactirna. Wuxuu garoonka Mugadishu halis ugu jiraa in daad badda ka yimid qaado amaba shilal diyaaradeed ka dhacaan haddii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Runtii, majirto cid laxisaabtanta shirkadda maareysa Garoonka ee FAVORI. Waxaa lagaarey xilligii lala xisaabtami lahaa FAVORI iyo Wasiirka Wasaarada oo ku tuntay xuquuqdii muwaadiniinta uu wasiirka u yahay iyo qeynuunka duulista hawada Somalia iyo caalamka.

Wax yaabaha lala yaabo ee garoonka Mugadishu ka dhaca ayaa waxaa kamida, in bartii ay dadka safarka ah gaadiidka ka raaci lahaayeen ama ay uga degi lahaayeen markay dhoofayaan laga dhigay Parkin baabuur oo gaar loo leeyahay, oo ay lacag ka gurtaan dad la siiyey. Shirkado ajnabi iyo kuwa Soomaali ah oo aan wax la taaban karo oo  shaqo ah ka haynin garoonka ayaa iska maamusha.

Guddiga Adeegga Diyaaradaha Soomaaliya ayaa si deg deg ah ku taliyey in wax looga qabto dhibaatooyinka iyo khataraha soo food saaray shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya iyo garoonka diyaaradaha Muqdishu.

Waa laga maarmaan ah,  in la soo bandhigo heshiisyada qarsoon ee wasiirku la galay shirkadaha ajnabiga ah ee loo fasaxay in ay Soomaaliya uga shaqaystaan siday doonaan.

Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in lacaddeeyo xuquuqda shirkadaha duulimaadyada Soomaaliya oo ah canshuur bixiyeyaal ay ka shaqeystaan kumannaan Soomaali ah.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this