Deeq A. Posted December 9, 2019 (SLT-Gaza)-Dhaqdhaqaaqa Garabka Islaamiga ah ee Xamaas ayaa ka digay weerarada Israa’iil ka geysatay Axadii shalay magaalada Gaza. Afhayeenka Xamaas Fawzi Barhoum ayaa sheegay in natiijada ka dhalata arintaan ay mas’uuliyadooda ay qaadi doonto Israa’iil. Mr Barhoum ayaa intaa ku daray haddii diyaaradaha Israa’iil ay sii wadaan duqeynta magaalada Gaza gaar ahaan saldhigyada Xamaas ay Israa’iil ka shaleyn Doonto. Subaxnimadii hore ee Axadii shalay ayay aheyd markii diyaaradaha Israa’iil ay gantaalo ku garaaceen deegaanka Al-Qassam oo fadhiisimo ay ku leeyihiin ururka Xamaas. Ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay duqeynta marka laga soo tago burbur hantiyadeed. Source Share this post Link to post Share on other sites