Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Faransiiska Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hanjabaad Kaga Timid Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in diyaar ay u tahay inay ka jawaab celiso hanjabaada Mareykanka ee ku aadan canshuur kordhinta shirkadaha ganacsiga Faransiiska.

1575828136c6d48.jpg

Madaxweyne Donald Trump ayaa 2-dii bishii hore ee december ku hanjabay in canshuur dheeri ah uu ku soo rogi doono shixnadaha Faransiiska u iib geeyo Mareykanka.

Balse wasiirka maaliyadda xukuumadda Paris Bruno Le Maire ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka jawaab celinta hanjabaada Washington.

Mr Le Maire ayaa intaa raaciyay in iyagana ay canshuur dheeri ah saari doonaan shirkadaha Internet-ka Mareykanka sida Google Apple, Facebook iyo Amazon.

Mas’uulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale cadaalad-darro ku tilmaamay canshuurta yar oo shirkadahan wadamada Yurub.

Dowlada Faransiiska ayaa dhanka kale balan qaaday in dacwad ay u gudbin doonto hey’adda ganacsiga Adduunka ee (WTO) si wax looga qabto habdhaqanka Mareykanka.

Donald Trump ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waday hanjabaado ganacsi oo ka dhan ah wadamada Ismaan dhaafka siyaasadeed uu soo kala dhexgalo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this