Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammo Ka Tirsan Puntland Oo Xalay Lagu Weeraray Gudaha Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weerar sababay dhimasho iyo dhaawac uu xalay ka dhacay magaaladaas, kaddib markii gaadhi ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland la rasaaseeyay.

Boosaaso1.-696x385.jpg

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ku fureen gaadhi yar oo ay wateen Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo marayay agagaarka Isgoyska Nedko

Wararka ayaa intaa ku daraya in hal askari uu ku geeriyooday rasaasta, halka mid kale dhaawacmay, inkastoo la sheegayo in dhaawaca uu yahay laba askari.

Raggii hubeysnaa ee weerarka geystay ayaa la sheegya inay baxsadeen, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn cidda ay yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this