Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Badan Oo Ku Dhintay Dhul-gariir Ka Dhacay Dalka Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Uganda)-Hay’adda laanqeyrta Cas ee Red Cross, ayaa sheegtay in 16 qof oo meyd ah la helay kadib roob dhaliyay dhul-gariir xooggan oo ka dhacay galbeedka Uganda.

15758306691d489.jpg

Kooxdeena gurmadka waxay wadaan ka shaqeynta sidii loo soo saari lahaa samatabixinta meydad laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan geedaha iyo dhismayaasha burburay sidaasi waxaa lagu soo qoray barta Twitter-ka ee Red Cross.

Dhanka kale waxaa gurmad xooggan loo diray degmada Bundibugyo ee dhulgariirka ka dhacay.

Afhayeenka hey’adda Red Cross ee dalka Uganda Irene Nakasita ayaa sheegtay in boorsooyinka meydka lagu qaado ay gaadhsiyeen degmada Bundibugyo si loogu soo qaado meydadka la helay ka hor inta eheladooda aan lagu wareejin.

Dhul-gariirka ayaa yimid kadib roob xidhiidh ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday bariga Uganda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this